VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Deegaan - Lyrics

Dayaxa iyo cadceeiyo Deegaan la moodyahay Malab lagu durduurtiyo Dahabkoo iftiimaaay Daawashada wacanee Damac baa iga kaa galay Waxa waxaa iga dardaaran ah Oo kaaga digayaaa Dadku yoo isku kay dirin Dab dhaxdeena laga shidin Haday hadal daliilshaan Dibnahaaga ha u celin Haday kula dagaalaana Udulqaado weligaa Dusha hadalka kaga tuur Ayagaa dareemiye Haa hee haa hoo Waxaad ogaataa Inaan ahay nin dooroo dantu hoodo yeeshoo diracnimo u dheertahay dibad waxan u soo baxay dayax shan iyo tobano dirikoo ku baal jiro oo la ii dabaal dagay waa diracna la i yiri damaashaadna la ii tumay daruuruhuna hilaaceen dhulka doog ka soo baxay xareed lagu dabaashay dadka waxa ku digataa markaan ku dadaaloo ubad daadaheysee
Queue is empty
-- / --