VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Higsanaa aqoontoo - Lyrics

Cilmibaa wax lagu haggaayoo Adduun lagu hoggaanshaa Loo hibeeyey noolahoo Hindisaha gargaaroo Garashada hodmaayoo Lagu kala horeeyaa, Waa hillinka gaajadaa Haraad looga baxayoo Hanti lagu tabcanayoo Halkii aanu eegnaba Hareerahuu ka yaalaa (11). Waa inaynu hannanaa Oo aan hirgalinaa Higsanaa aqoontoo Marna aan ka harinoo Hadaf aan ka dhiganaa. Waxaa loo haminayaa Oo loo hanwayn yahay Loo wadda halgamayaa Intaa heegan loo yahay Tartan loo holinayaa Hannaqaadka fahankoo, Iftiinkaa la haybsaday Hawadaa aqoontii Maantay laga hagaayoo Waa sahan horseedoo Loo huray naf iyo maal (11).
Queue is empty
-- / --