Heesta Amaal - Lyrics
Amaalay amalay
Ilays iyo nuur baxaayo
Iftiinkii dhaayahayga
Udgoon iyo ubax dilaacaay
Aduunkaba taan ka doortaay
Aday nafta ku ogolaatay
Adigaan dadka kaa jeclaaday
Waxaa tahay aayahaygii
Amaalay ooridaydaay
Nooloow weligaa ha iilan
Amaalay ooridaydaay
il iyo cowriba la'oo
Amalay Amalay
Asluub tii lagu barbaarshaay
Abuur iyo dhaqan san lee
Aynigeed ugu filroonee
Asaageeda ka mudanee
Adaan uurka kaa jeclaaday
Amaantaa adaa muteestay
Waxaa tahay aayahayga
Amaalay ooridaydaay
Nooloow weligaa ha iilan
Amaalay ooridaydaay
il iyo cowriba la'oo