VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cudoon - Lyrics

sideedaba cudooneey casar kaan is baraniyo caawadan aan joognaba caqligaad cajabisoo waxaa tahay cir hooriyo ubax caynba caynoo cidhifyada hareeraha cadceedii ka haysoo carfigiisa udugana naftu ay ku ciidee hadaan ceerigaabiyo ama caabudwaaq tago cindigaygu kuma jaro caqligaygu kuma tiro calafkuna aduu helay waana caadil mahadiiye sideedaba cudooneey caqligaaga wacaniyo samirkiyo cibaadada adigaa ku caanoo sinaan caadil jecelo cidii aad la jaar tahay sharaf kuu cadeeyeen ana kuu caloolsami rabi ceebta kaa dhawr oo ciilna kuma bado hadaan ceerigaabiyo ama caabud waaq tago cindigaygu kuma tiro caqligaygu kuma jaro calafkuna aduu helay waana caadil mahadii Lyrics by Ismacil Ahmed
Queue is empty
-- / --