VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dabci - Lyrics

inaad dabci fiican tahay dushaaday ka muuqataa hadaanad dulqaad lahayn jacaylku kumuu dageen dunida cadaw buu ku yahay dadkuu nabi aadam dhalay illaah baa daryeelayee dagaal buu kula jiraa damo qabuu leeyahee damiirkaagana ha xidhin damo qabo ala wuu leeyahee dadaaloo diin ku dhawr damo qabo ala wuu leeyahee difaac weeyee u daa hadii dayaxba la waayo xidigaha waa lagu gudaa dookhuna haduu hungoobo dawada lama waayayee dahaboo dadabteena keen dabiib bay inoo tahee damaashaad aan dhignee daalkuba ha inaga hadhee damo qabuu leeyahee damiirkaagana ha xidhin damo qabo ala wuu leeyahee dadaaloo diin ku dhawr damo qabo ala wuu leeyahee difaac weeyee u daa Lyrics by Ismacil Ahmed
Queue is empty
-- / --