VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Rabbi taash haku saaro - Lyrics

taan haween ka tusmaystaay nacab kaama tab qaado talo kaama habawdo guuli kaama tasawdo tafan toof iyo baahi midna kuuma timaado rabi toogada xooga taaga kaama xayuubsho tacabkaa ma khasaaro nafta taan ku talaalaay cishqigaan tabinaayo tahan maanka ku taalaan kasoo tuujinayaaye iga tiiri cadaawoo jacaylkeena ha tuurin qof macbuud u tudhaayo rabi taashka dul saaray cidna taano ma yeesho aadmigaa is tabceeyoo talamoo walbahaaree allihii taajir ahaana walba tiisa khilaafoo tawbad baa u furnaate adoo taana dayaaya nafta taan ku talaalaay cishqigaan tabinaayo tahan maanka ku taalaan kasoo tuujinayaaye iga tiiri cadaawoo jacaylkeena ha tuurin Lyrics by Ismacil Ahmed
Queue is empty
-- / --