VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qooto qooto - Lyrics

Adoo qarash la’aan eh Qorshuhu kaa wareeray Quraacda kuu gooysay Qadana aadan haysannin Qurbaha sharci ku leedahay Qaaradda Yurub ku nooshahay Oodna qaawan tahay Qoryo intiid is marisay Qooto qooto Adi qooto ma ku marqaantay Qooteeyow Qooto Quutow Qooto qooto miyaa? Adigoo qamaamee Qoftoo lee is barateen Reerkooda qani yahay Qubxi intii ka dhergisay Qoor sagaara ku qabatay Qaraabadeeda hoose Qajaf aadan siinnin Qooto qooto Adi qooto ma ku aroostay? Qooteeyow Qooto Quutow Qooto qooto miyaa? Adoo waxba qoreynin Qalin iyo buug ad qaadannin Aqoonteed sare lahayn Qibraddaadu ey tahay Qeybta fadhi ku dirirkiyo Qeybta indha adeyga Dalkii inaa u qaxday Qooto Qooto Xildhibaan Qooto ma ku tahay? Qooteeyow Qooto Quutow Qooto qooto miyaa? Adoo qaabka heesaha Qaadowgood kaseynin Saddax qudde aad dhiibtid Qol lagugu soo xiro Qub iyo qac ku duubtid Qataraa tahay lagu yiraa Qab weyni aad ka qaaddid Qofna aad salaamin Youtube-ka qurxisay Qooto qooto Fannaan qooto ma ku tahay? Qooteeyow Qooto Quutow Qooto qooto miyaa? Anoon nii qudbeynin Qooto ma niigu sheegay Anoo nii qaldeynin Qooto ma iila heesteen Qofkii meel xanuunto Usaa soo qeyli doona Been ku noolow Bilaash maahinoo Been been ku noolaaw Bilaash maahinoo?
Queue is empty
-- / --