VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta La yaab - Lyrics

Laygu kaa dul yookee Wanaagana ma yeeshidee Sideed iila yaabtaa Yoon baad I gelisee Yaxyaxiyo xishood baa Igu yuurursadayoo Jacayl igu yataay baa Ii yeeranaayee Yeeygiyo ugaadhaan Xeryeha u yagleelaa Yacca iyo atoorraa Aan yamaar u daabtaa Yuuqaba adeey baday Yulqankiyo taahee Laygu kaa dul yookee Waanaga ma yeesheediye Sideed iila yaabtaa, Layaabtaa, sideed iila Layaabtaa, layaabtaa Yoon baad I gelisee Kalgacayl yumuuyi Yaryareeysi ma lahee Yanyaboohistaadaa Yaayaale qaadine Yoociyo adoon noqon Laanyiciga oo kale Oo aan yu ashadeydana Waa yeelkadaa odhan Yabadhbaan ka heli lahaa Hadaan dhagax u yeedhee Laygu kaa dul yookee Waanaagana ma yeeshidee Sideed iila yaabtaa, Layaabtaa, sideed iila Layaabtaa, layaabtaa Yoon baad I gelisee Duul-ka yur idhi baan Yaacaayey waaq lii Oon yeel ku xidhay Geri Ama yacay kusoo rarey Igumaad yiqbooteen Adoo yaalla haradee Yaabyaabka iga daa Waan kuu yahoomoo Laygu kaa dul yookee Waanaagana ma yeeshidee Sideed iila yaabtaa, Layaabtaa, sideed iila Layaabtaa, layaabtaa Yoon baad I gelisee
Queue is empty
-- / --