VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Sida faras bulaalo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdi Tahliil
Sida faras bulaalo

Sida faras bulaalo
aan xaaluf aragoo
nugaal xeys ka daaqoo
baruur dhabarku xoodmoo
ama xalin fadhiyayoo
la xanaanin jirayoo
xuduntiyo feedhaha
farawguu xardhoo
oo xuub dhacsadayoo
seyntu dhulka xaabtoo
oo aan xajiiniyo
wali mudan xatiiqo
oo xariir ku taalkiyo
xaglihii la surayoo
hore loo xambaaroo
xogogaale fuuloo
oo xuufta boodada
xawaaraha la yaaboo
oon orodka xiiqeyn
qaar baa xaraamee
marka aan xagaagiyo
xubnahaaga eegeba
xiisoodayee
xadentoodayee
xoodaamayee

Sida xiito geeloo
xiligii gugii iyo
inta ay xergeeyeen
xodayo ay ka foofeen
ama wiilal xooglihii
inta ay xambaareen
xidhadhkii hagoogane
xeryo uga oodeen
ama ay xayaabliyo
banaanada xal-xaliseed
keyn marnaba xaadheyn
nirguhu ugu xidhan yihiin
oo xamasku dooguna
xagashaada gaadhoo
roobna uu xuluushoy
wadhantahay xareedii
oo ay xagtiisiiyo
xigtiisiiba taalo
oo ay weelka xoorkiyo
caanuhu xarfanayaan
marka aan xagaagiyo
xubnahaaga eegeba
xisoodayee
xadentoodayee
xoodaamayee

Sida geesi xididkiyo
xigtadiisu jeceshahay
oo xubinta hadalkiyo
xaajada yaqaanoo
oo xumaan sokeeyiyo
lagu xaman bakheylnimo
oo xoola bixintiyo
deeqsinima ku xeeldheer
oo loo xubeeroo
sida xuladka nooloo
xaashaan la dhaafeyn
halka uu xariiqo
amase xadiidkiyo
xaqa diinta sheegoo
xag Illaahay mooyee
tii kaleba xooroo
oo ay xertiisiyo
dadkoo idil ku xoomaan
oo ay xuural-ceyntiyo
jannadii xusuusteen
marka aan xagaagiyo
xubnahaaga eegeba
xiisoodayee
xadentoodayee
xoodaamayee

codkii Abdi Tahliil