VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waan kuu hanweenaho ‘taah’ - Lyrics

huqdoodaan la taahaa
hurgumadii jacaylkey
i haleeloo heegada isaaree
halbawlaha wadnaha iyo
halistii wareentee
ma ii hiilineysaa
ma ii hagar baxaysaa
ma ii huri karaysaa
waan kuu haweynoo
waan kugu hamiyayaa

sida hilaaciyo
hirdoogliyo
canab waqal hadheeyaay
haween ha igu noqonine
hubiyoo ila garo hagaagoo
hurdo nimaad u diidoo
kuu hiloobey baan ahay
ma ii hiilineysaa
ma ii hagar baxaysaa
ma ii huri karaysaa
waan kuu haweynoo
waan kugu hamiyayaa

taan haweenkiyo
hablaha kale
waa hore ka doortaay
waa tan heshiinee
hawraartiyo
haasawaha dhameynee
hagar daamiyo ciil
anna yaan la hoyanine
ma ii hiilineysaa
ma ii hagar baxaysaa
ma ii huri karaysaa
waan kuu haweynoo
waan kugu hamiyayaa

Queue is empty
-- / --