VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Carmo - Lyrics

Duriyadii xalaashaay Dookhii naftaydaan Aan kula dardaarmee Dumarkaba dhamaantood Haldoorkoodibaa tahay Kaa doortay aniguna Dalxiiskeena caashaqa Farxad iyo damaashaad Aan ku wada dakaynee Ma tagnaa dalkeenoo Dagalkii carmeediyo Bari ma u dawaafnaa Durmaanada ciyaartiyo Deelayda maansada Hala inoo dareershoo Hala inoogu deeqee Duriyadii xalaashaay Ubixii dalkaygoo Qurux daa,in siiyaay Dabcigiyo wanaagiyo Daganaanta hadalkaa Kaaga daba rucleeyee Dooxooyin quruxloo Doogiyo cagaar badan Aan ku wada dakaynee Ma tagnaa dalkeenoo Dagalkii carmeediyo Bari ma u dawaafnaa Aqal dadabsanoo wacan Damalada ku dhinac yaal Alashuna ku daxan tahay Hala inoogu deeqee
Queue is empty
-- / --