VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Damiir - Lyrics

Iskilaaji: Inanyahay  dooq iyo kalgacal ayaa igu kaa darooo Dushaan kaa eegi jiray Dumarna waan kugu jeclahay Hodan: Inkastoow doonis iyo jacayl Dab iyo baaruud yihiin Hadana dirqi kuma hergaloo, Haday naftu didantahay Iskilaaji: Adaa door iyo habeen Dareenkayg kula jiraa Dantaydiina beelshee Macaan adna ha ii darnaa Adaan kaa daba dhacee Hodan : Anoo kuu deerinee Dhibkana kuu diidanee ? Inaana kula daadahshee Kadaydayo meel kale ISkilaaji Miyaad jir dubaaxshiyo Lahayn damiir ii damqada Dadnimo kugu leexsaneen Inaba ii diirnaxeen Hodan: Dawaar horaa tiri Aduun waa isdaba maraa Haduu kula dagay waqtigu Dan iyo ceel kaama ridin ISkilaaji: Dunida waa waayo quree Armuu nafsi kula dagsaa Intuu irdahaaga dago Adoo la ildaran jaceyl Hadhow aan kugu digtaa Hodan: Dareenkayga iyo qalbigu Waxuu igu daray mid kale Inaan kuu soo durqo Marna dabac ha iga filan Ka daydayo meel kale
Queue is empty
-- / --