VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhinto Caashaq - Lyrics

Dhito caashaqoo Mariid lagu dhexdaray Sida dhayda geel Dhamayoo habeen Dhib wuxuu i baday Dhulka iga kaxee Cirka igu dhawee Dhexdhexaad hawada Igu dheelayoo Iga dhumi wakhtigii Wali siduu dhigayga Jacayl dhiig mareenkiyo Dhuuxiyo lafaha dhabar Dhabtii uu ukala jaray Dhakhtar caafimaadiyo Dhaymo waxaan la,aadaba Dhakhsaan uga dawooboo Helay dheeman luul Yartaan dheehan jirayeey Dhawrayeen lahaa Sida dheef macaan Dhuunta yaa marshoo Dhibka yaa kajira Dhabtii waa yartii Ii dhaxday aniga Dhiiga aan qaybsanoo Dhankii aan dayaba Waa dhamays haween Wali siduu dhigaygaay Jacayl dhiig mareenkiyo Dhuuxiyo lafaha dhabar Dhabtii uu u kala jaray Dhakhtar caafimaadiyo Dhaymo waxaan la,aadaba Dhakhsaan uga dawooboo Helay dheeman iyo luul
Queue is empty
-- / --