VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gayaan - Lyrics

Sida gayigeena hooyaa Buuhoodle garoowiyo Amase goonyaha jogjiga Intuu biyo dhigay habeenba Geenyooy quruxdeeda leedahay Waxaa tahay garasho badan Gobaa tahay iyo dhalan Dumarba lama aad gudboonide Hanaay ma is guursanaa Waxaa tahay geesi adagoo Hadana gibil iigu yaaloo Gacale ina abtigay rumaadoow Gayaan ii xiga aduunkee Miyaan kuba goyn karayaa Kuu dhiibe gacanta hoo Gorfeeyoo adigu tali Naftaa gaar kuu jeclaatee Cabdoow ana waa gudoon Sidii gacan wabi ka baxayoo Ubax guudkiisa qariyoo Amase geel intuu markaa dhalay Naqiyo godan barwaaqa jooga Geenyooy quruxdeeda leedahay Waxaa tahay garasho badan Gobaad tahay iyo dhalan Dumarba lama aad gudboonide Hanaay ma is guursanaa Sidii shanta gacal wadaagtiyo Africa geeskaynu leenahay Amasee calankeena guud sudhan Adaa gaar iiga mudan sharaf Raboow guuloow ku daa Kuu dhiibee gacanta hoo Gorfeeyoo adigu tali Naftaa gaar kuu jeclaatee Cabdoow ana waa gudoon
Queue is empty
-- / --