Heesta Ogow - Lyrics
Ogow Aragtida qurxoon ogow
Indhaha waa dawadoodee ogow
La soco erayada macaan
Qalbiga woo aminaayee ogow
Ogow arimada jacaylka ogow
Marbay tahay aafadaada ogow
Hadaad heshay aynigaada ogow
Ayaad istareexaysaayee ogow
Ogow quruxdiyo asluubta
Adaa islulay dhamaan
Markaan ku arkaan farxaayoo
Adaa dagay uurka hoose ogow
Ogow ayaamaha wanaagsan ogow
Astaan weeyaan haboonee ogow
Markaan kalgacayl abuurno
Ayaan galeenaa aroose ogow
Ogow idilkood habeenka
Ayaad usiddaa hanaanka ogow
Ilwaad iyo haybadaada
Isharrtay inaan ag joogee ogow
Ogow ixtiraamka fiican ogow
Adaa barayoo naftayda ogow
inaan noqdo ooridaada ogow
Ayuunbaa doonayaayee ogow
Aduunyada ruux ku doortay
Ayaa lagu oon baxayaa
Naftaan ku ilaalshaneeso
Unoqo ehel caashaqeedaa
Ogow quruxdiyo asluubta
Adaa islulay dhamaan
Markaan ku arkaan farxaayoo
Adaa dagay uurka hoose ogow
Ogow ayaamaha wanaagsan ogow
Astaan weeyaan haboonee ogow
Markaan kalgacayl abuurno
Ayaan galeenaa aroose ogow
Aduunyada ruux ku doortay
Ayaa lagu oon baxayaa
Naftaan ku ilaalshaneeso
Unoqo ehel caashaqeedaa