Heesta Soo durug - Lyrics
Adiga iyo da'daadiyo
Hablaha dunida joogaba
Indhahu doobaado
Dusha ay ka eegtaan
Qalbigu farax dareemaa
Jirkana daal ka harayaa
?
Xubnahu dabacsan leeyahay
Adigaa dagmooy
Aan ku doonayaayoo
Kaa dayaa agtaydee
Soo durug macaanee
Naftaan daadahee
u ildaran daraadaaa
cirka oo da'ay habeenimo
Xareed daadsan doonyaha
Dayax shan iyo tobaniyo
Daruurahii ka muuqda
Aragtida dareenka leh
Adigaa dhul iyo hoos
Dhubaaqayga ugu dhigan
Dhiric geesiyaa tahay
Deeq iyo xishood
Garasho iyo dulqaad lahoo
Ragga doorki baa tahay
Soo durug macaanoo
Kaan ku diirsadaa tahoo
Ku darsanaayay dhiigee