VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Iisoo dhawoow - Lyrics

Halkaad iga jirtaa baa Waranka iga soo dhacay Dhaqdhaqaaqa xoogiyo Dhiigay iqulqulayee Ii soo dhawoow Aan kugu dhageey hooy Ii soo dhawoow Adiga igu dheeroo Naftaa kula dhaceeso Xidadada dhamaaniyo Wadnaha ii dhufanayee Ii soo dhawoow Aan kugu dhageey hooy Ii soo dhawoow Dhul biyuhu ka buuxaa Dhirta ubaxa baalaha Shimbiruhu ku dheelaan Dhabtii lagu mataalaa Ii dhiib gacamaha hooy Aan kugu dhageey hooy Ii dhiib gacamaha hooy Waxa dheeftii iga jaray Dhuunigiina iga xeray Dhibaatada jacaylka Iga dagay halbowlaha Ii dhiib gacamaha hooy Aan kugu dhageey hooy Ii dhiib gacamaha hooy Ii soo dhawoow Aan kugu dhageey hooy Ii soo dhawoow
Queue is empty
-- / --