VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ayeeyo qaaci mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdikadir Jubba
Ayeeyo qaaci

dhaqan ruugcadaadiya
tii igu rabaysiyoo
rugta waayo aragee
iga reebtay xumahaay
raasamaalka edabtiyo
aragtida rasiinkaa
qofkii aan ka raacee
rasmi ii jeclaydee
raganimo inaan helo
dhaaxo tii rajaysee
ra,yigayga kii wacan
kaha uga riyaaqdaay
ayeeyday rumaadeey
raandhayskii sharaftaay
ruuxaan ka beermaa
ruuxuu ku beermaay
raaxadayda mooyee
rafaadkaygu dhibayaay
rabi kuu gargaaroo
rarankiyo cadaabaha
kaa reeb illaahay
rawdiyo fardawsana
kula kulan rasuulkii

hadii lay ribeeyiyo
hadaan uunka soo rogo
rukankaan cuskanayee
dadka iga ridaysaay
horaan kuugu reeyayoo
kaa raysan maayee
rabeeyihi samaantiyo
raadaalkii noloshaay
rayn rayn faraxa leh
taan kula rafiiqaay
beentiyo runtadiyoo
waxaan raba taqaanaay
ayeeyday rumaadeey
raandhayski sharafaay
ruuxaan ka beernaa
ruxuu ka beermaa
raaxadayda mooyee
rafaadkaygu dhibayaay
rabi kuu gargaaryoo
rarankiyo cadaabaha
ka reeb illaahay
rawdiyo fardawsana
kula kulan rasuulkii

codkii Abdikadir Jubba