logo Masuul Top 100 songs lyrics chart Contact


A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hargaysa mp3 ahaan

Sawirka Abdikadir Jubba

Abdikadir Jubba

Fikradaada ka dhiibo heestan

Hargaysa lyrics

shibiqdii halaaya iyo
maygaagta shubaniyo
masalaha shafkiisiyo
sheekhmadar dushiisiyo
sheedihiyo naaasiyo
sheekh nuur baalihiisiyo
shacabkii hargaysoo
shan habeen cirkii miray
dhirta shaqan madoow iyo
shaadir lagu hagoogoo
digrigii lagu shareeroo
shunux shunuxdii
dhararkii galool sheeganayso
shacni badan ubixii
shinkiisii dhamaadoo
balanbaalis sharaxliyo
shini malab samaysoo
gundihii ku hirayaan
Lyrics by Masuul.com

marka shaaca waabari
cirki shagagac leeye
daadku shagagax leeyana
shimbiraha cidoodiyo
raha sheekadiisii
shaamareer ku dilayaa
sharafteeda leedahay hargeysay
sidii geenyo shucubkiyo
koore sharaxan
shalmada xariiriyo
shaal lagu hamsiiyayoo
shir la keenay madaloo
shirabaad u joogtoo
shambinaysa socodkoo
shiish deegla leeyaa
sharafkooda leedahay
hargeysaaaaaay

Wax hays ah kuma jiraan
-- / --

© 2007-2017 Masuul.com