VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haybin - Lyrics

Nin haraad qaba'oo Hogal roob arkayoo Hangadaan ahee Haa.. Haa.. Hoobaantaa lulataa Soo haabanayee Hanqalkaan la kacee Haa.. Haa.. Waa la i heloo Waaba la i hayaa Sida halo kareebaan Kaliday hugmaayaa ''''''''''''''''' Nin halbowluhu Dhiigga habayaan ahayoo Wadnuhu hawda hayee Haa.. Haa.. Hayin gaabinayaan Hawd caleenliyo doog hayaankii ku raree Mmm.. Mmm.. Waa la i heloo Waana la i hayaa Sida halo kareebaan Kaliday hugmaayaa ................. Waan ku haybinayoo Hurda kaama ladoo Huqdaada i dishee Haa.. Haa.. Hoobaantaa lulataa Soo haabanayee Hanqalkaan la kacee Ooo.. Ooo.. Waa la i heloo Waana la i hayaa Sida halo kareebaan Kaliday hugmaayaa. W/Q Maxamed Koorre
Queue is empty
-- / --