VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Luul - Lyrics

markii llaygu sahan tagay hablaha kuwa ugu ladan jacayl lama dhibaadshee taan lahashadeedii uga leexday dumaroo waayihii lagdamayee laga soo dabaashiyo laba aaburkii dhacay tii u liici waydaye lirka igala doogtaay sida sida ubaxa laaca dhirta loogu kaabaa adna quruxda luulaay rabi kuugu lifaaqay laaskii xareediyo tay laabtu raacdee la wadaagay noloshee liibaanta guushiyo libta ii horseedee rabi igu labeeyaay ha luufluufin waligaa gacaltooyo loobagay shakhsi lahaydee loofar maaha duniduye aan nafteeda luminee lagu lexa jaclaystaay in kastoo war laaqiya lagu laba digleystee la is lahaa ku kala dila tii lagala quustee cadaw loodin waaya marka aad lulootoo shashu kugu dul looshaa farxad laasimaayoo lubigayga saaqdaa laaskii xareediyo tay laabtu raacdee la wadaagay noloshee liibaanta guushiyo libta ii hhorseediyo rabi igu labeeyaay ha luuf luufin waligaa
Queue is empty
-- / --