VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Maqleey mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdikadir Jubba
Maqleey

maqaleey war la,aay
ma laguu waramay
moqoriyo afruun baa
labadaba ka marago
halkay maaxdu jiiftiyo
suumaal haraadani
caashaqii la miisaan
qofba meel labiibuu
halkii lagu madiidiyo
qalbigii mudnaan jiray
laga maydh dhibtaadiii
milil dilaacday sheekana
hdaan maaljin dhaqi jiray
mututul wax boodi jiray
maskaxdaydii la waaliyo
miirkaygii lala baxay
mahuraan i jecel iyo
muftiba u kitaab furay
maydhaxdii gobeediyo
masaaraan u sahansaday
martidii la sooryee
makiinadii la soo godol
maqantii lasoo celii
mudan loogu tacab khayr
madigii lamaanaa
maqaarka atoorkeed
yac ku maal is leedahay
ku mugoobi maysoo
takarto maroodigu
araga maandhe saarnayd
amdiidadii fal may noqon
ana inaan muraadsaday
daadkii moosay soo jabay
galbskaa mashxaradiyo
milinkaan dagay ka garatee

codka micida yawliyo
doobta kugu mashiise
mar waxaaga kacoo
maal qabeen abaarsado
wuu da, furi madluunkiye
yaanay quruxdu kaa madhan

jacaylkaagi meel mari
aan u mehersanaan jiray
muudso dacartii qadhaadhayd
adaan kugu mariimaye

dharkaynkuba ubax iyo
man doogloo
sida damal u muuqdee
hablo mooda weeyee
laga maaran geed dher
mirahaa maraagiyo
miirmiirada gurataye
sidii malabkii doocaan
mirta dhexe u kacaysaa
haday kula macaantahay
mar dhaw yay kula qadhaadhan
hadii male rag noolyahay
talo maal wax garad yahay
mididii af badaneey
tahay macaala gawraca
iska marisay halbawlaha
hadaad mawdka necebtahay
meel wax sii dhigo
intaad jilaysay maadays
ana waan matalayee
qosolkii magoognaa
il mugeed ka buuxsaday
murdisiyo farbaa ligayn
may is mood mase ay noqon
doqonkii is miidsaday
heedhe maamulay dantiise

codkii Abdikadir Jubba