VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Xiisaha mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdikadir Jubba
Xiisaha

xiisaha bogaygiyo
baahida aan kuu qabo
hadalada baroorta
siduu caashaq ii bogay
aan kuu bilaaboo
kuu baahsho hadalkee
kuu baladhsho carabkee
iga maqal bariiraha
biligtii horetiyo
awal barashadeeni
bilawgii kalgacalkee
degdeg iigu bertaa
iga dhigay bastayoo
la baaxaa dagaayee
boogtii jacaylkoo
boga iiga taal baan
ha boogsooto leeyahoo
wali baan ku dayayaa
marka aan baxnaanshee
beryo aan ladnaanadaba
adaa damqda boogtoo
bilaawiyo fartaba daray
oo baydi go,aygiyo
basanbaaska cashaqa
daganeey aday baday
baaqiyo salaantii
nabadiyo bariiradii
adaa baahshay nabadii
balantii adaa furay
beeneeyay wacadkii
boholyawna igu riday

inta bilicsan naago ah
kuwa reer banaadiro
u bislaaday xarago
aan booogay laafyaha
kuwa baalka saroo oo
baadiyaha ku nooloo
boqorkiyo dhaclaha xidhan
gidi beesha soomaal
adaan kaala soo baxay

dharaartaan bareere
aan baadhay dumarkee
guurdoon ugu soo baxayee
adigaan bishaariyo
arooos kuu bileeyoo
aqal baaahyo waynoo
bilic iyo wanaagba leh
kuu dhigay bilkhayroo
haween kaala soo baxay
bilan kuugu magac daray
beri aayatiin wacan
baashaalka noloshoo
barkhad iyo wanaagba leh
waad beegsan doonttaa
beer magac le waynoo
qoys baaxad wayn baad
dhakhso beeri doontaa
ana baashahaago
barbarkaaga joogoo
kuu baahan baan ahay
oo waa baystayooo
waan kuu bukaaye
may baxnaaninaysaa

codkii Abdikadir Jubba