VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Somalaay dhulkeenaan - Lyrics

Saba barwaaqa ah Masuul.com Soomaalaay dhulkeenaan Saxadiyo hawadda wacan Macdantiyo saliida leh Wabiyaddu sulsulayaan Beera saba barwaaqa leh Markay beri samaad tahay, Baddayada sal iyo baar Khayraadkuna ku siman yahay Sina kaga dhamaanayn Soomaali kaafiyaa So’da subagga hoolahaa Saadir noogu deeqee, Yeynan talada seeginee Isi siiya maankoo Sadriga isku fura oo Gacmaha isi saaroo Uurka iska saamaxaa Muxubiyo salaan waddaa (18). Soomaalaay midnimadiyoo Danta guud u sara kacaa Samahiin ka taliyoo Sumcaddiina dhowroo Calankiina saartoo Sacabadda u wadda tumaa. Somaalaay dhulkeenaan Wax la siista aan jirin Bari Hadaad ka soo safrin Siimarin waqooyiga Siitagin galbeedoo Kofur aad u sahantegin, Soomaali muuqiyo Suuraynta Quruxdanaa Aadmiga u sidatoo Af-quraa la siiyoo Dhaqan laysku soocaa Dhexda sidaa u joogtaa, Somaali waa midee Aan sammata bixinoo Dhibaatada ka saarnee Soomaalaay dhammaantiin Masuul.com Dhiiggaas sokeeyaha Ka sikada collaadaha (18)..
Queue is empty
-- / --