VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Malyuun wada masuul ah - Lyrics

Soomaalaay mansabaddaad wacan Mira kuma beerataanoo Haddana macaluul darteed Adduunkoo magansataa Waxaan maanka galin Dad wada dhashoo Hadda murugiyo colaad Mashaqo dhexdooda taaal Dalkeyguna waa mid qura Dadkiisuna dhowr malyuun Intuba madaxweyna iyoo Masuul beey doonayaan Maanteey weey gaagaxdoo Murtidii bahal galee Dantoodii u muujiyoo Moowloow isku soo hagee Dunidu weey ku maadsataa Haddana waxeey moodayaan Ineey madoow iyo caddaa Ayagu ugu mudan yihiiin Qabiil ma maanacaan Nabad uma muhanayaan Heshiis lagu meel mariyoo Milgihii gobanimoo lawaaa Aqoon kuma meel maraan Jaraha maamuuska iyo Marinkii ka habaabiyoo Midina midi wax uma oggalaa Maanyeey beey gaagaxdoo Murtidii bahal galeen Dantoowdii u muujiyoo Moowloo isku soo hagee.....
Queue is empty
-- / --