VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sowda - Lyrics

Marka aad oraahdiyo Eray qura tiraahdaan Qalbigii abaarsaday Uurku oon baxaayoo Inanyahay haddeey Ishu baala daymada Weda aragtidaadaa Qalbiga ku raadshoo Marka loo abtiriyee Quruxdiyo asluubtaba Intaan ogahay sowdaay Adeey kugu arooraan Dayax afartobnaadiyo Onkadiyo hillaac baxay Ilma qabato biligyada Adaa ileeys wax sii dheer Sida oogta waabari Kaahiyo iftiin baxay Mooda arooryo subaxeed Adaa ka muuq wacan Marka loo abtiriyee Quruxdiyo asluubtaba Intaan ogahay sowdaay Adeey kugu arooraan
Queue is empty
-- / --