VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gurgurshaa - Lyrics

intu guray daruuraha godol qadiyay hawd mayiga gudgudahii geyiga dhan wada gaadh gofiyo galgalimaba gibil meel kastoo godan galac tiri xareedi durba geedihii baxee ogow inaan gabashii sidaa guuyada jecel ana inaana gabadh kale gacalayoo ku odhanayn taana anigaa go'aansaday gugusha sidaan ahay dusha kuu gureeya gabadana waayaha gawra kaa ilaasha ama garo ama ha garan adaan kuu golleeyahay ama gees ha kaa maro adigan ku gaasiray garab daaqa ma aqaan adna gacanta ila qabo guur inanan gamashadii sida guuyada jecel ana inaana gabadh kale gacalayoo ku odhanayn taana anigaa go'aansaday
Queue is empty
-- / --