VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Rafaadka caashaqa - Lyrics

Rafaadka caashaqa Maxay aramadiisu Igu reebtay eeliyo Guutaalo hoosoo Ani ii qarsoonee 2× Afka maxaan u diidaa Inaan ereyadiisiyo Amaantiisa tiriyoon Aamusnaanta kaligay Cidla uba keeno 2× Ugub maaha kaygani Ragbuu iilka geeyoo Ugub maaha kaygani Ragbuu iilka geeyoo Aakhiro u hoydoo Aduunyada ka dhaadhacay 2× Imtixaanka caashaqa Maxay urugadiisii Ililiha wadnaha iyo Adhaxda iyo beerkoo U eekaatay halistii 2× Maxaanan baqadistiisii Erey go,an ka heesoo Uumiyaha daraadaa Inanyahay la dhuuntoo La il go,ay jacaylkee 2× Ugub maaha kaygani Ragbuu iilka geeyoo Ugub maaha kaygani Ragbuu iilka geeyoo Aakhiro u hoydoo Aduunyada ka dhaadhacay 2×
Queue is empty
-- / --