VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Berisamaad - Lyrics

adna beerkiyo laabta iga eeg barbarkaa bukaankaaga jacaylkan iga baabi'i waayay lagu beeray jidhkaygee kuna sii badanaya baryahaaba naftayda badhuunbaa ka dhacaaya anaa busiyo oon dhul boodhiyo biyo la'aan ka baaqayoo jacayl igu balaadhee adaa arag bildhaana u baahan barwaqada iga burso ma baaqsadee hoy bari samaad abaarna wuu ku soo baxaa anoo basiirada basaas indhoo ila bukaan bilo qudhood i booqataan ku bogsan lahaa adaa arag bildhaan u baahan abaalna waa la baxsadaa haday runiyo been labadu ay borotamaan bixitimaan socodka way kala badshaan adaa arag bildhaana u baahan bidix gacmed midigta way u baahantee ma bidsanee hoy xaq iyo baadil iyagna way kala baxaan
Queue is empty
-- / --