VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adduunyadu waa besteed - Lyrics

Haddaan idhi Boqorkayow Waxaan idhi Boqorkayow Allow barashaan ogeyn Intay tahay baaxaddaa Qofkuna badow buu ka yahay Inuu kugu soo ban-dhigo Bayaannada aan fogeyn. Bishmaan u daraandarayn Inuu boqolkaaga magac Intuu Bisinkaagu yahay Ka sheego wax aan badnayn. Waxaad tahay gun iyo baar Ballaadh iyo deeq mug weyn Waxaad tahay beer janna ah Waxaad tahay baarri faxan, Intaad bixisaa raxmada Intaad burisaa raja ah Intaad hanataa ka badan Baxaalliga hawl adduun Wax-beelka intaan hurayn Bushaaro hayaad u tahay. Waxaad tahay baahi-laawe Waxaad tahay baahidayda. ILaahnimadaada buuxda Qof waayey ma baadi-doonin. Rugaa Boqortooyadaada Qofkii u bal-reebiwaayey Ma xeerin badbaadadiisa. Xuduudka baddaada caaggan Qof tiigsadey baylah weeye. Kulaylka buruuddadaada Sharkaaga badheedhka dhiirran Baqaa lagu aaminaa, Burjina Adigaa ku sugan Awoodaha baaca dheer. Adduunyadu waa berdaan Run baa la-bog-dooxayaa Dadkaa la-bilkeedayaa, Higsiga baradeeda nool Waxaa lagu beegsadaa Baxnaaniyo toogo-hayn Boqoolkuna waa jiraa, Naftana ballankii ka yiil Haddaan lala beretansiin Waxaa lagu beegmayaa Bayuuraha aan hambayn. Hadday tahay beri-samaad Ta baasina way ag taal Haddaan laga baydhsanaan. Dhulkana Bidixlaa ku nool Waxaa jira beenawaas, Ibleyskuna waa bakhayl Bahdiisuna waa yiciis. Balway ku hor qaadayaan Bustay kugu laabayaan Wedkay balag saarayaan, Hadday buro kaa helaan Waxay kugu badhi furaan Dharaaraha baane jiro, Belaayana way guddaa Bariisana way dhacdaa, Haddaan laga sii bed-qabin Waxaad ku baraarugtaa Beentaadu runtay necbayd. Barwaaqo markay hayaan Hadday isa sii bidaan Baxdowga markay yihiin Hadday isu sii bogaan Addoomuhu ways bulaan. Waxay cadho biirsadaan Waxaa lagu sii badaa Xanuun iyo boogo kale. Hadday isa sii baraan Inay berri sii cunaan Banbaaniyo xaaja guud Haddii baga loo cuskado Bulshiyo wada-doonistii Qof iyo wada-buul-dhis tahay Yiqiintuna bowsi tahay Nin iyo keli loo bokhrado Hiyigu kala-baadsan yahay Bartii qof yaqaan hungow Bil-khayrtuna way fog tahay. Markay naftu baadi tahay Haddaan bahal Kuu sanqadhin Cabsida bixisaa ka weyn. Hadduu qofku been dugsado Baqaa lagu xeerayaa Bahduu ka curyaamayaa Wax baydadiyaa eryada Cishaba babbisaa hor taal, Waxaa ku bannaan runtii Waxay u ahayd ku beel Dhankeedana bayr ka qaad Inay tahay baahi, diid Haddana yidhi baadi doon Halkeeda wax buuxin kara. Berruu ka saluug qabaa Bursuu ku xujoobayaa, Duruus u habee baryada Beybeysiga hawl ka dhigey Bishmaa ka calaacalsii Sengii faney Booddo-waal, Xumaanta u beer-nuglaa Bahaynta ku caado goo Shan baabbaco hoo ku qaad Idaa gudhay loo baqee Xanjiyo xabag loo bad-badi Haddana balawaas ka qaad Busaaradi waa halkii Hungaa baradiisa taal. Cishaba filan-waa ku baah Cishaba garan-waa ku biir Saqaa dhexe baaq u yeedh Canaan ka bariisan waa. Belaayo waxay tustaa Markuu isa sii barkado Inuu weli sii baxsado. Baraad-la’ usii galgaley Qallooc isu sii barbari Bidaartana sii arradi Wanaagga ka baali noqoy Intii bilan sii illow Buddiisana sii gorgori Waxyeellada sii bogbogey Adduunyada baylah mood Runteedana boob ku waa Dhabteeda bannaysan waa Dhibteedana baajin waa Badhaadhena ciil ku waa Walaacana baan ka waa Badbaadana meel u waa. Naftana biya-dhiijin waa Dharaarna is-baadhi waa Kashana boholyow ka waa, Badheedh lagu sii hubsado Hiyiga barakaysan waa Hankana ku barooran waa, Haddaan baqe fuushanayn Inuu yahay buur ku diid Dareennada boorta neceb, Guddoonsey is-been-farriin Badroolka inuu ku sugo. Bisaylka hadduu qof diido Biraynta ku faani waayo Bakhtuu uga sii socdaaye Hadduu qofku baydda goosto Inuu bini-caashaqiisa Ku baayaco geeridiisa Baraar adhi baa taqaan. Xalaashiyo buunigeeda Haddaad u buseeli weydo Bogsiinta ka raadi maaha Wixii lagu sii bukoodo, Xumaantuna waa basari Naftay bilic-guurisaa, Bidhaantuna maaha ruux Haddaanay lahayn burhaan Badh kaa maqan baad la’dahay Basaastuna waa qalbiga Kashaa laga baal qoyaa, Intaas ha ka dhaafin baal. Waxaa isu soo bulladay Bugaanbugihii wakhtiga Bilaash-jeceshii casriga, Bulaanbuliyey tumeen Dadkuna budulkooda raac Siyaasina beel ku dhoof Dantiisa ku baadi doon Ku baaji xilkay lahayd Sidii goray baar-caddee Ballaadhsiga diin ka dhigey Baxnaanada sii adkee Hilaadaha sii burburi Bawaarkana sii ulee Bilaale ka qaad yaraa Cishaba huri duur belbela Billaawaha sii casee Billaahida sii xasee Buskeeda ku sii xabaal Biliiliqo sii dhudhumi Baruurana sii fantee Awaalaha sii basaas Sidii buro soo noq-noqoy. Markay barar fuuqsadaan Sidii Dibi bey madow Hadday u banaaxiyaan Badhyaa-cune jeer hungow Xaqiiqada boodh ku laac. Adduunyadu waa besteed Nin biima ah baa khatalay Hub iyo buntukh loo shushubi Sidii bulay loogu hees Intii ba’an laysu dhiib Dalaal lagu beer-caddaa Qof iyo baradiis is cune Bariidada lays la waa. Wuxuu Boqorkeedu yidhi; Wixii Bido meel u yaal ILaah bixiyaa ka dhow Bushaarana way jirtaa. Hadday falaw baaban tahay Banaanadiyaa xasladah, Hadday bili doorsan tahay Baftiyo qurux baa u taal, Hadday tahay biir aja ah Caway ku ballaysan tahay, Bar-laawe hadduu didsaday Barbaar gudan baa u nool, Hadduu Baqal-fuul gurguray Baroor faras baa hidda ah, Hadduu Badhax-miis ku dhalay Runtaan la-biyeyn karayn, Nin baydhsadayow dan guud Waxaa jira baadi-doon, Af booli wixii ku maqan Col soo bedayaa ogsoon, Badraanno hadday jiraan Barqaa lagu waayayaa, Hadday wada baar-qab tahay Wixii dhacay geed Berda ah Fircoonnada baaxad dumey Beryii tegey baa hubsaday, Dhufaanna bir waa yaqaan. Hadday wada B. M tahay Buruud kiciyaa dul yaal, Waxay bohol jiidhayaan Libaax bulbullaa ku jira In baal sidataa dahsoon In baabbacalaa digtoon Dhashii Beder baa xidhxidhan Biddena camalkiis u daa. ALLAA MAHAD LEH.
Queue is empty
-- / --