VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Deeqaay walaal - Lyrics

Xusuus baa idilootayoo Qalbigeyga doorisoo Hadba meel u duulee Ma leygu kaa diray Ma adigaa doqonoo Duunyada wax dhaamin Dhalay Deeqaay Sidii dayr barwaaqo Duleedada ku hoortoo Xooluhu dherag la daateen Dadkuna farax u doodayay Abaar daran ka doogey Wanaagey u deeqday Qiyaas laguma doonee Anna daymadaadiyo Jacaylkaagan daaha,laa Waa mid laygu daabee Adna kaamay daadagin Dabuubta aan ku leeyoo Dabac iila doodoo Qosol digix ka siisee kan dusheyda saarani Birri buu ku daadihin Deeqay walaaley Daalayoo ma nooliyee Kaalayoo debka ii huri Dareemadii ku tiiley Daafahaan dacalladeediyo Darantii durdurisee Doollaa lagu yiqiin iyo Deegaan roob lamoodyee Nafteydaa ku damacdoo Dumar kale ka durugtoo Dabar iyo hogaan iyo Ku dedaalay waanoo Idaryeeli weydee Dabci waa ma guuraan Siduu hadal duq hore yiri Intaad diideyso daawada Idaryeela noqo oo Adaan kuu dulloobee Dabayl raac ha iga dhigin Deeqaay walaaley Daalayoo ma nooliye Kaalayoo debka ii huri Gedoodkii diraaceed Daa,inkeen ka qaadoo Gugu daacad ugu da,ay Rayskuna dibadda yaaloo Durba doog kasoo baxay Cosobkeedu dihin yahay Waa Dabci lagu yiqiinee Anna daymadaadiyo Jacaylkaagan Daaha.la waa mid laygu daabee Ruuxi daawashow taga Degdeg farax ma waayee Anna dookh iqaadyoo Daalac kale ilaawee Nabsi deyd ma dhaafee Hooy daleedda ha dhigin Deeqaay walaaley Daalayoo ma nooliyee Kaalayoo debka ii huri
Queue is empty
-- / --