VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Lagdamaay - Lyrics

Lagdamaay aduunyooy Lumiyaay fogeeyaay Ma libdhaay ma loogaay Deeq lagu ladaabto Ruuxna laabtoo Ma lihidee Waxaad tahay luggooyooy Midaan cidi ku lulanineee Liqmadaada leenkee Sida luhunta diinkaa Gartay laabashiyahooooo Waxba aniga ha ilulin Ruuxaa laabta kaa jecel Inta laydha laga qarin Leeleyl kaa haroo Sixun ma u lileeysaa Waxaa kaa lugmeersada Ruuxa faralka laasima Aniguna kuuma liicsaniyeee Laacdamaay adduunyooy Laqanyiyo baruureey Lufaniyo abaareey Adigoon laxaad qabin Waxaad tahay laleemooy Larkaagii jabiyeey Sida layli geeddiyaa Adoon laayahaamaha Loolidaa ha ii qarin Labacaaga beeneed Leexleexinaysiyoo Laaca ma oggoli Qalbigaygu lahashiyo Lib adduunyo wu nacay Waanu kaa lingaxanyahay Waxaan la dheelmadaa Ruuxa kaa lug meersada Lib waxaan la dheelmadaa Lama hura nafta ogsoon Anigunaa kuuma liicsaniyeey Legdamaay adduunyooy Legdamaay.....
Queue is empty
-- / --