VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Beledweyn - Lyrics

baxsantaan jeclaayeey bilantii haweenkaay bushaaraan u baryaya barigaad ku nooshahay balaayadu ma aadee balantii dhexdeeniyo barashadii macaaneyd marna ha baabiin bartii aad ku bar baartiyo bil dhaanteedu waxay tahay dhul barwaaqo oo ladan biyuhuna qul qulqyaan bulshaduna badhaadhiyo nabad ay ku nooshahay hadii aan bad baado baryaa naftan qabo waxaan kuugu baaqaa bartii aan ku kulaniyo balad wayn allahayoow boodhari wixii dilay batalaale seexshaa ana igu bilowdee boqoradii hablahaay biya dahab la moodyeey axdigii ma baylihin bogaad iigu beerantohoo naftaa kuu basaastee buqcadaad ku dhalatiyo bilicdeedu waxay tahay meel ugbaad ku badanyahay biciidkiyo balxadhidhkuna balayada jiifaan beeshuna baraar tahay
Queue is empty
-- / --