VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Milayaaroob - Lyrics

Sida milayqa roob iyo Mahiigaan habeen da'ay Oo dadka maaxdiyo Mataaneeyay gubacoo 2x Mirta cay saraariyo Dawyadii mareeriyo Marinkii la moodiyo Maasheeyay udugley 2x Oo maamlmo gudahood Intaan meeray goonyaha Baliyada midaalee Madoobeeyay geedaha Madoobeeyay geedaha Oo maankii noolaha Mashaqadii ku ladhantiyo mahadhadii abaartiyo Murugadii ka rogaybaa Ana iigu mudantoo Muxibadaad i galisee Ana iigu mudantoo Muxibaad i galisee 2x Sida geesi magacloo Mawqif iyo hal adagoo Markay miliqdo xaajadu Maareeya taladoo 2x Misne hadal mirdilcliyo Mulki u le aftahanimo Maalkana bakhaylin midigtiisu furantay 2x Oo madaxda dhaqaankiyo Masaakiintu jeceshay Ee galin marxalad culus Markay murugto guurtidu Loo doon madashoo Soo muuqanaayo Anba kuu mashxaradoo maxabaad i galise Anba kuu mashxaradoo
Queue is empty
-- / --