VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Yaan laga dareemin - Lyrics

sida geenya xamaroo xalin iyo taleexoo xal xalada nugaaliyo xaynkii ku taagsaday oo miranaysa xaysimo xareed lagu bar baarsho la xanaanin jiraybaa quruxdiyo xayadaba xaashee ka dhigantahay xidig xuural cayniyo xilkas weeyi uguboo xaruntii dalxiiskiyo xudunbay ku dhalatee soo xasuustay sharaftii sidaad ii xushmaysee raxma xaa walayda xulashadoodiibaad tehee xisaha kalgacalkaa ku xoogsaday kalgacalkoo xalaybaan saqdii dhexe xajin waayay gogoshoo xarumaha wadnaha iyo xididada jidhkaygiyo adaa dhiiga xulayoo xiskaa iyo dareenkii qalbigaad xasilisaa xadantaysay laabtee marwadaan xigsanayaay xanaanee naftaydoo xaasid yuu nakala dilin
Queue is empty
-- / --