VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dulmiga version - Lyrics

Baydka Koobaad

waxay dani keentiyo
kalgacal baa ila durkoo
dad iyo duunyaba ka go'ay

waxbaa daris ila noqdee
dugaagaan weheshadaa
dul meerayaa kaymahoo

halkaad iga daydaydiyo
halkan heedhe heedhe
halkaan dagay kala durkee

ilaahbaa deeq baxshee
dulmiga caashaqa ka daa
digashada caashaqa ka daa

Baydka Labbaad
anoon dooda iyo deeqda
dagaal layga badinahayn
dareenkayga waad ogtoo

jacylbaan la doodayaa
bal sheeg danbigaa wax qabba
dib u raac sheekada dadkoo

halkaad iga daydaydiyo
halkan haye haye
halkaan dagay kala durkee

ilaahbaa deeq baxshee
dulmiga caashaqa kadaa
digasahada caashaqa ka daa

Queue is empty
-- / --