VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Umaleey jacayl - Lyrics

Umaleey jacayl Weli jaar ma noqoteen? Jid ma wada lugeyseen? Ma la cuntay jidiin wali? Jihaad ma isku aragteen? Jiidhkaad ka dhalatiyo? Ma kaa jaray dadkiinii? Gooni socod makaa dhigay? Umaleey Jacayl Wali jiif ma kugu helay? Jir-jirada ma kaa galay? Hadba dhinac ma ku jaray? JIbaadka iyo taahii Jeerdhaaf ma oydoo Ilmo jagac ma kaa tidhi? Umaleey Jacayl Jalow ma kula yidhi? Jarro adag ma kugu xidhay? Heeryo jaan ma kugu raray? Jilbahana ma kuu riday? Waxaad jeefad socotaba, Intuu jalowgii kula dhacay, Lugahaad ku joogtiyo.
Queue is empty
-- / --