Heesta Gaaridy hawenka remix - Lyrics
Gaaridii Haweenkaay
Geeynayadaan Jeclaayeey
Adigaa Galbeediyo
Gal Xareedi Jiiftiyoo
Gojaniyo Hargaysiyo
Guryamo Ku Nooloo
Geel Dhalay Ku Maalee
Meelu Gacal Ka Dheeryoo
Layidhaahdo Gadar Baan
Intaan Gaadhay Waahoree
Waayuhu Igeeyoo
Ka Gayoonba Waayee
Haddii Aad Golmoogtahay
Waygubay Jacaylkuye
Gurmadkiisa Caashaqa
Adiguna Ha Gaagixin
Anna Gaabis Yaan Noqon
Baydka Labaad
Anigoon ku gabin iyo
adigoon gardiid noqon
haddii uu guyaal badan
nabsi gaabinaayiyoo
wakhti gaar inoo helay
waxan uga ganleeyahay
haddii guulaheen qoray
Kuwa guuxa dhaafee
gaaladuu samaysee
ka gudbaaya badahaan
soo garabso leeyee
adna gacaladaydaay
Haddii Aad Golmoogtahay
Waygubay Jacaylkuye
Gurmadkiisa Caashaqa
Adiguna Ha Gaagixin
Anna Gaabis Yaan Noqon