VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Tiiraanyo - Lyrics

Taariikhda Dunidaa ayadoo isdaba taal Nin-ba meel ku tuurte Aniguna Tusmeestoo Qayrkee halkoo tagay Utabaabusheestee I taageer Allahayow arrintaydan kala taal adaa toosin karayee. Tabaallada adduunkee ninkastada? u taalaa anigay i tuluqdoo tagoogaha i jabisoo ka tallaabsan waayoo waa anigan tasoobee I taageer Allahayow arrintaydan kala taal adaa toosin karayee. Turuqiyo Lixaad iyo Tamaray xoogee Jacayl iga tan roon baa igu tiirshay Geedoow Xarig igu xidh xidhayoo Waan tiicayaayee I taageer Allahayow arrintaydan kala taal adaa toosin karayee.
Queue is empty
-- / --