VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dal Iyo Duunyo - Lyrics

Dal iyo duunyo adaan kuu deyhaayee Iyadaa i duleeysee damac malee Meel daawo leh yaa ila doonaayee Kuma diidani waaku doonaayee Dabinaa laygu xerayee ley dilee Darxumaan ku jiraayee daraadaadee Doon-doonistaadaan ku daalayee Daaftiin maro adigaan kaa dayee Dadkeygi dartaadey ii deyriyeen Doqoneey dabcigaaney dooriyeen Waa ley dilay waa ley dagaalayee Darbiyaa laygu oodee dartaadiyee Daartiin ku Jiraan dibadda laga xeree Inaan ku daymoodaa la diidayee Kuma diidani waaku doonaayee Dabinaa laygu xerayee ley dilee Darxumaan ku jiraaye daraaddaa Dabka aad ku nooshahay waan kuu deeyhaaye Aan dartaa u dulloobee damac malahee Meel daawo leh yaa ila doonaayee Meel duur cidlo aan soo dawaafayee Duufaan iyo dabeylaan dugaashadee Darinteey dhana waasoo duubtayee Darbi jiif iyo Dulliyaan doortayee Ha isku daalanin duurkaas dugaag lahee Meel kuu daranee ha isku deyninee Inaan ku daryeelaan u duubtayee Daruufta ihaysaan la daahayee Kuma diidani waaku doonaayee Dabinaa laygu xerayee ley dilee Darxumaan ku jiraa daraaddaayee Dal iyo duunyo adaan kuu deyhaa Iyadaa i duleeysayee damac malahee Meel daawo leh yaa ila doonee Waxa ii daran dayaxdiin Doortayee Dabin may u dhigeen mise waa dileen Dambigii Gashayaa soo daahiree Duco waalid habaar maad ka dooratee ? Waa ley dilay waa ley dagaalayee Darbiyaa laygu oodee dartaadiyee Daartiin ku Jiraan dibadda laga xeree Inaan ku daymoodaan la diidayee Kuma diidani waaku doonaayee Dabinaa laygu xerayee ley dilee Darxumaan ku jiraa daraaddaadee Dalka aad ku nooshahay waan kuu deey haayeAan dartaa u dulloobee damac malahee Meel daawo leh yaa ila doonaayee Kuma diidani waaku doonaayee Dabinaa laygu xerayee ley dilee Darxumaan ku jiraa daraaddaadee
Queue is empty
-- / --