VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Boodheri - Lyrics

indho bururay labadooda baal bilig ma daayaane aroos lagu badhaadhiyo waxaan sugay bushaaree bilic xumada allahayoow maxay baday ninkan baasna maxay baray baroortaada iilkaan basraay jiifi waayee maxaa kaa baxsadayood adna baafinaysaa nin kaloon is baraniyo uma baahni sheekee bidhaantaada ma arkee barbaaryahaw kumaa tahay boodharigii aad maqashee beer laxawsigii hodaneey naftu uga baxdaan ahee maxaad baafinaysaa beerkaygibaa lumayee oon baafinaaye ma aragtay adiguse boodhari hada tahay hodan baahideediyo maka bogsatay caashaqiiyee inkaston badqaba oon hablo baariyaaloo boqorku nimceeyoo bilicdooda quruxdana biyo dahab la moodoo baashaalinaayoo boga iyo laabtiyo aan beerka kaga jiro hodan baahideedii wali kama bogsooninoo ma baaba,o jacaylkuye hablaheenu baareey bilow aadnimadiyo bariidada macaaniyo ma barteen jacaylkii barigii horeetaba badawnimaa na haysee boholyowga caashaqa anagoo basteenaan afka kala baqaynee miyaa nalooga badin jiray ninba boogta ku taalaa isagay balbalshaa bixisada jacaylkana taan baranin yeelkeed boqolkiiba boqol jeer aniga way igu badan yahay kaa beensan maayee inan yahay adna boogtan kugu taal awliyadaan u barinoo allaa kaa bogsiiyee bilad sharaftan qaadoo bushimaha qaniinoo ha biqine adkayso baasiin la shiday iyo dabaa igu baxaayoo baroorta iga keenee bisinkoon qabsadiyo baryadii illaahay kama tagin barashadii kaa khasaartiyo jacayl baylah kaa helay ba,anaa allahayoow naxdin beerka goysiyo jacayl baylah kaa helay ba,anaa allahayoow Lyrics by Ismacil Ahmed
Queue is empty
-- / --