Heesta Ma utahay diyaar guur - Lyrics
sida dagalkii hooyo
dir hirkaaxay mirayoo
nimco ay dagiintaan
kuugu diirsadaa
dabacsani adaa lee
dulqaadkiyo asluubtaan
daga kuugu jeclaade
daa'uus la moodyeey
dahabiyo xariireey
dumar xulashadoodaa
maankayga deeqdee
sidaan dooniyiyo
aan dadab galnoo
dugsi kaa helee
ma u tahay diyaar guur
sida damal hadh waynoo
dadku uu ku xuumoo
umadoo dhan deeqoo
kuugu doogsadaa
diracnimo adaa lee
dulqaadkiyo aqoontaa
RABI kuugu deeqee
dayax shaniyo tobanow
daruuriyo hilaacoow
ragba kaan ka doortoow
kaalayooo i daawee
sida doonayiyo
aan dal dhisnoo
kugu diirsadee
daqiiqad i soo doon
sida gaari dumaroo
da'dood ugu horaysoo
dadku wada amaanan
kuu daawadaa
dugsiimo adaa lee
dabeecada wanaaga
dumar kuugu jeclaadee
sida dahab hadh yaalo
RABI darajo siiyoo
dadnimiyo aqoon laan
kuudugaashadaa