VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sadaqada Bixiya - Lyrics

Sadaqada Bixiya : Erayadii Mohamed Deeq Alfa chorus Sadaqada bixiyoo ha baqeylin weligaa ku badbaadi dadkaagoo boqolkaad direysaan beriba waad heleysaa Page 1 (Qoomaal) Boqorkaa wax heystee Aan baahan weligii Waatan abaar ba'aniyo Boqolaal kunoo ruux Beerahiyo xoolahoodii Maalkoodii baaba ay chorus sadaqada bixiyoo ha baqeylin weligaa ku badbaadi dadkaaga boqolkaad direysaan beriba waad heleysaa Page 2 (Canab) Waa baaq dardaaranee Bulshayahay dhamaantiin Isku beer nuglaadoo Waa inuu maanta bixiyaa qofba baaxadiisiyo intuu beeso helikaro chorus (kuligooda) Sadaqada bixiyoo ha baqeylin weligaa ku badbaadi dadkaagoo boqolkaad direysaan beriba waad heleysaa Page 3 (Teesiyoow ) Barbaar iyo cirooliyo hooyada balanbaleysee biyo iyo baad la aan baaheshay waa bestoodoo naxariista badiya oo rabaa naf badbaadshee chorus sadaqada bixiyoo ha baqeylin weligaa ku badbaadi dadkaaga boqolkaad direysaan beriba waad heleysaa Page 4 (Hawo Kiin) Ubadkan booyaayee beerkiyo bogoodiyo bar jirkooda qalalay kuu baahan maantee bile hadduu kusiiyey bixi intaan kareysee chorus sadaqada bixiyoo ha baqeylin weligaa ku badbaadi dadkaaga boqolkaad direysaan beriba waad heleysaa By: saciid bulxan
Queue is empty
-- / --