VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Bilaneey kuqaabilay - Lyrics

In jacaylki qani yahay Roobaan qaadin uu yahay Beer qabooje uu yahay Qalbigana u roon yahay Qorshihiisu wacan yahay Qayrkiisu badan yahay Hadii la isla qaadana Qanciyaha naftaba yahay Anoo maanta qirayoo Waan qeexayaaye Qoys aan yagleelnee Bilanoow wax ila qabo Anaa maanta qirayoo Waan qeexayaaye Qoys aan yagleelnee Bilaneey ku qaabilay In jacaylku qayb yahay Qaxar iyo dhib leeyahay Hadaan la isla qaadayn Qof waliba u daran yahay Qandhadiisu wayn tahay Uu qayaano badan yahay Hadaan la isla qabanayn Uu qasaaro leeyahay Anaa maanta qirayoo Waan qeexayaaye Qoys aan yagleelnee Bilanoow wax ila qabo Anaa maanta qirayoo Waan qeexayaaye Qoys aan yagleelnee Bilanaaye ku qaabilay
Queue is empty
-- / --