VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Calool sami - Lyrics

Habeenkoo cuskaday madoow Indhahaan cabiri karin Aragtida cadayn karin Cadaankaa casuusliyo Ilays caawiyaan jirin Ana guul ku ciirsiga Cawadiyo nagaanshaha Adigoon caloolsami Farxad ila cawaynayn La,aantaa miyaan ciil Caloolyow ka bixi laa Calaf kaan wadaagnoow Dharaar ciida inagoo Bada cidhifka joognoo Caashaqeenu ugub yahay Sawtaan go,aan culus Cugashada ku gaadhnee Calafkeenu meel maray Sawtu caadil awlaad Ina siiyay ciirsi loo Qoys noqonay cawo badan La,aantaa miyaan ciil Caloolyaw ka bixi laa Calafkaan wadaagnoow
Queue is empty
-- / --