VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Damalada - Lyrics

Gabadhyahay da,daydii Waxaan kaaga door biday Dunxariira baa tahay Darmaan khayr qabtaa tahay Qalbi dajiyaa tahay Dayax inan rageedoow Amba waxan ku diirsaday Daymo aragtidaadoo Mid dulqaad leh baa tahay Geesi doobir la tahay Doqoniimo kaa dheer Damalada baxaysiyo Damaashaadka heesuhu Waa dabaaldegeenee Alloow hayna kala dilin Aaaaaaamiiiiiiiiin 2x Dusha magac rag waa mide Dadnimada jacaylka leh Qurux deeqday baa tahay Damal lagu nastaa tahay Raga doorki baa tahay Darajada amaanta leh Dabci inan ku qaaday Dumar kala wanaagsane Gaari daacadaa tahay Marwo loo dardaarmoo Hadal dabacsan baa tahay Damalada baxaysiyo Damaashaadka heesuhu Waa dadab galkeenee Alloow hayna kala dilin Aaaaaamiiiiiiiiiiiiin 2x
Queue is empty
-- / --