VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhanxiir - Lyrics

Wanaagu dhibaaga Jacaylka dhantaala Xumaan u dhafraaga Shirqool la dhigaaga Dhanxiirka warkiisa Dhexdeenu ma deeqdo Inuu dhismo caashaq Dhantaala ka doono Inuu dhidib taagan Inuu dhaca doona Sidaa qofka dhifa Sharkiisu ma dhaafo Dhambaal xumayaasha Dhidhkoodu ku kooban Dhawaaqa iblayska Dhagteenu ka awdan Hortaa kuma dhaadan Dhigaa uma baahan Dareenka dhitoobay Dhamaanba jacaylka Midkaan ku dhameeyay Dhabtii adi weeyi Dharaaro xusuusta Markaan dib u dhaado Lamaano is dhawrta Dhaaxaynu ahayne Sidaan dhursugaynay Bagay inoo dhabawday Dhambaal xumayaasha Dhidhkoodu ku koban Dhawaaqa iblayska Dhegteenu ka awdan
Queue is empty
-- / --