VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta I ha haleynin caashaq - Lyrics

Gaariye hadraawiyo Ganey kii haleelay Iidan halista galiyo Ina tarabi helayee Cagaf ku ka heesiyo Qays kii hogaansaday Cilmi kuu la hoydaa Ina wada hadheeyee Aniguna hubaashii Waan kuu han waynio Ha halaynin caashaqa Hareertaada ka adkoow Aniguna hubaashii Waan kuu han waynoo Wadnahaygu hanadoow Hoygaaga weeyaan Sida hogal da,aysoo Hawdiyo togdheeriyo Xaruntik hargeysiyo Boorama ku hoortoo Hoobaanta geeduhu Malab hibitiqaysoo Lagu soo hirtaabaad Hiyiga uga dhigantoo Aniguna hubaashii Waan kuu hanwaynoo Ha halaynin caashaqa Hareertaada ka adkoow Aniguna hubaashii Waan kuu hanwaynoo Wadnahaygu hanadoow Hoygaaga weeyaan
Queue is empty
-- / --