VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Laxawga caashaqa - Lyrics

Laxawga caashaqu dhib badana Laydhuu qofkay sidaa Lulumo ka itaal yaraa Lubiga nugulaa darta Dhayaha libiqsaga xafida Daymada kugu ladhi ogaa Lulayeey laamaha cishqiga Laaciisa fogaa midhaha Laab uu kalgacayl hayana Xiisuhu kugu ladhi ogaa Lugihii socodka u nugulaa Laxaadsan ogaa dhankaaga Rajadu kugu laabanaa Liishaanka jacaylku ridaa Nafiyo lud ku dhararsanaa Liibaantuna ii dhawaayey Lulayeey lamaha cishqiga Laaciisa fogaa midhaha Laabuu kalgacayl hayana Xiisuhu ku lifaaqanaa
Queue is empty
-- / --