VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Taajkii - Lyrics

Toobiyihii guushaan hayaa Tigaadiyo naq baan arkaa Tilmaan sharaf laan rabaa Talaabo san baan cugtaayoo Tusmiyo hoodaan sidaa Wuxuu caashaqu tariyo Taliyo arin baan wadaa Taageeraan kaa rabaa Taashkii farxadaan xidhnoo Tayadii noloshaan hantee Tabaalo raboow allow iga dhawr Taariikh wacan baan dhisaa Nasiib togan baan fishaa Tacab qaayo laan unkaayoo Taran khayrlaan korshaayo Himilo san baan ku taamaa Tusaale iyo nuxur baan maqlaa Tusan iyo guul baan jantaa Taagtay samahaan gashaa Taashkii farxadaan xidhnoo Tayadii noloshii hantee Tabale raboow allow iga dhawr
Queue is empty
-- / --